Madaxda DFS oo hambalyada Ciida la wadaagay Umadda Soomaaliyeed.
Muqdisho : Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadka Soomaaliyeed iyo muslimiinta caalamka ugu hambalyeeyey maalmaha barakaysan ee ciidda Carafo oo ah munaasabad qiimo weyn ku leh diinteenna Islaamka.
Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan gudanaya waajibaadka xajka in uu ka aqbalo acmaasha suubban, isagoo ku boorriyey shacabka Soomaaliyeed in ay badiyaan maalmahan barakaysan, ducada iyo Alle bariga ku aaddan horumarka dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muujiyey sida uu uga muragaysan yahay xaaladda nololeed ee ay la tacaalayaan kumannaanka qoys, kuwaas oo ay saameeyeen abaaraha ka jira dalkeenna, waxa uuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay farxadda ciidda la qeybsadaan dadkooda dhibaateysan.
Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey in sannadkan kan xiga ku gaaraan horumar, barwaaqo, amni iyo xasillooni, isaga oo kula dardaarmay in ay gacmaha isqabsadaan, qalbiyadana isu furaan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo Ku aadan munaasabadda ciidda carafo.
Guddoomiyaha ayaa Sido kale hambalyo gaar ah udiray saraakiisha Ciidamada Qalabka sida ee mar walba heeganka ugu jira difaaca dalkeena.
"Waxaan hambalyo udirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta Caalamka munaasabadda barakeysan ee Ciidda Carrafo.
Alle waxaan ka baryayaa in uu naga aqbalo acmaaasha xajka, sidoo kalena noo aqbalo ducada dhammaan dadka muslimiinta ah gaar ahaan xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan nasiibka u helay in ay gutaan acmaasha Xajka.
Anigoo Ka faaideysanaya fursadaan qiimaha badan ee farxadda Ciidda Carafo waxaan dadka Soomaaliyeed usoo jeedinnayaa in ay gacan ka geystaan farxad gelinta dadkeenna tabaaleysan iyo in la garab istaago.
Sidoo kale waxaan si gaar ah hambalyo ugu dirayaa geesiyaasha ciidammada qalabka sida ee had iyo jeer heeganka ugu jira difaaca dalkeenna.
Ugu danbayntii, guddoomiyaha ayaa Alle ka baryay in uu Ciiddaan Ciiddeeda nagu gaarsiiyo dalkeena oo nabad ah, barwaaqo ah iyo dadkeena oo heshiis ah.
Guddoomiyaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi wuxuu ugu hambalyaynayaa shacabka Soomaaliyeed munaasabadda maalinta barakaysan ee Ciidda Carafo sanadka 1443Hijriga.
Guddoomiyaha ayaa ugu baaqayaa dhammaan Shacabka Soomaaliyeed in ay istaakuleeyaan oo ay garab istaagaan walaalohooda danyarta ah, ee aan heli karin wax ay ku ciidaan; si ay farxadda ula dareemaan walaalahooda kale ee Soomaaliyeed iyo dhammaan Muslimiinta adduunka.
Gudoomiye Cabdi Xaashi wuxuu Alle SWT uga baryay shacabka Soomaaliyeed in ay helaan oo ay ku nagaadaan nabad, barwaaqo, horumar iyo caafimaad.
Waxaan munaasabadda Ciidul-adxaa awgeed u hambalyeeynayaa guud ahaan Ummadda Islaamka ah gaar ahaanna Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida kaga suganyihiin. Waxaana Eebbe ka baryayaa in uu dhammaanteen innaga aqbalo acmaasha wanaagsan ee aan soo gudannay, Rabbina acmaasha xajka haka aqbalo xujayda gudanaaya waajibaadka xajka.
Waxaan si gaar ah hambalyo ugu dirayaa geesiyaasha ciidammada qalabka sida ee had iyo jeer heeganka ugu jira difaaca dalkeenna iyo la dagaalanka argagixisada dadka iyo dalka dhibaatada ku haya.
Waxaan ugu baaqayaa ganacsatada, Qurba-joogta iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed in ay caawiyaan danyarta una gurmadaan dadka ay abaaruhu saameeyeen oo ku sugan xaalad nololeed oo aad u adag.