Dowladda Hindiya oo Soomaaliya ka taageereysa Abaaraha.
Dr Virander Paul Danjiraha Hindiya u qaabilsan Soomaaliya & Kenya ayaa ballanqaaday in Dowladdiisa ay gacan ka geysaneyso gurmadka loo uruurinayo Dadka ay Abaarta ku saameysay inta badan Gobollada Dalka Soomaaliya.
Safiirka oo la kulmay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Ergayga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka u qaabilsan Gargaarka Bani aadam nimada ayaa waxaa uu sheegay in Dowladdiisa ay ka go’an tahay caawinta Soomaaliya.
Xafiiska Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda u qaabilsan Gargaarka Bani aadam nimada ayaa lagu sheegay in India door firfircoon ku leedahay xakameynta dhibaatooyinka dhanka cunnada ah maadaama ay kamid tahay dalalka G20.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu ka codsaday Danjire Virander Paul in Dowladdiisa ay codkooda ku garab istaagto Soomaaliya si ay uga baxdo xaaladaha kala duwan oo ay ugu weyn tahay cunno yarida jirta oo ah mid guud ahaan Caalamka Saameysay.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gargaarka Bani aadam nimada ayaa sheegay in uu helay ballanqaadyo kala duwan kaddib markii uu la kulmay Madax ka kala socota Hay’ado, Safiiro & Shaqsiyaad kale si loo gacansiiyo Malaayiinta ruux ay saameysay Abaarta Dalka ka jirta.