Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay xiisadda Taiwan & China.

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay xiisadda Taiwan & China.

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay go’aankeeda la xiriira khilaafka siyaasadeed ee Shiinaha iyo Taywaan kaga hadashay si banaan yaal ah.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda DFS ayaa lagu sheegay inay taageero joogto ah u heyso Madax-banaanida Shiinaha, sida mida siyaasadeed, dhuleed iyo Midnimada Qaran, waxaa ayna ku baaqeysaa in loo hogaansamo qaraarrada Qaramada Midoobay & Midowga Afrika ee quseeya madax-banaanida wadamada.

 Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ay cadeysay inay si buuxda u garab taagan tahay Jamhuuriyadda Shacbiga ee Shiinaha si ay u difaacaan Madax-banaanida iyo wadajirkooda dhuleed, bayaanka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda DFS ayaa lagu sheegay inay Taywaan u aragto inay qeyb ka tahay dhulka Shiinaha.

Soomaaliya ayaa xiriir soo jireen ah la leh Shiinaha, iyadoo iskaashiga labada dal ee saaxiibada ah ay ku kala soocan yihiin dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarinta ee faa’iidada guud, iyadoo ay sii dheer tahay isku xirka jagooyinka heer gobol iyo heer caalami.

Dowladda Shiinaha ayaa dhawaan Gantaalo Balaastik ah ku riday xeebaha Taywaan oo ay u aragto dhulkeeda gobol kamid ah balse dowlado uu Mareykanku kamid yahay ayaa cambaareeyay arrintaas.

Xukuumadda Taywaan ayaa horaan xiriir ula sameysay Somaliland oo ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, balse labada Xukuumad ee Somaliland & Taiwan midna ma helin aqoonsi Caalami oo rasmi ah.