Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Guddoomiye Aadan Madoobe oo guddi u saaray Dhacdadii Golaha Shacabka.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo guddi u saaray Dhacdadii Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa magacaabay Guddi KMG ah oo kasao talabixiya dhacdadii 07/08/2022 ka dhacday Hoolka Baarlamaanka xilli loo fadhiyay cod u qaadida Golaha Wasiirada.

Warqad kasoo baxday xafiiska Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa lagu sheegay in guddigaan ay baaritaan ku sameynayaan gacan qaadkii ka dhacay fadhiga Golaha Isniintii todobaadkaan.

Guddigaan oo ka kooban Shan Xildhibaan oo Golaha ka tirsan ayaa lagu faray inay xog uruurin sameeyaan kadibna ay natiijada u gudbiyaan gudoonka Golaha, sidoo kale xoghayaha Golaha Shacabka ayaa la faray inuu fududeeyo wixii tasiilaad ah oo ay u baahdaan Guddigaan inta ay howsha wadaan.