Labo kamid ah Wasaaradaha Cusub oo Amarro soo saaray.
Muqdisho : Magaalada Muqdisho waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacaayay munaasabado ay xilalka kula wareegayaan Wasiirada cusub ee Xukuumadda Dan Qaran ee uu soo dhisay Ra’iisul Wasaare Xamse.
Dhawaan wareegto kasoo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya lana ogeysiiyay xafiisyada Hanti-dhawrka guud ee Qaranka iyo Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda ayaa lagu wargeliyay xubnaha Golaha Wasiirada inay ilaaliyaan Nidaamka Shaqada iyo Hantida Qaranka.
Wasaaaradda Macdanta iyo Bartoolka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay waxaa ay ku amartay in si dhaqsi ah ay uga guuraan dadka degan xaruntii Wasaaradda ee ku taalla xaafada Saybiyaano ee degmada Hodan.
Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka oo uu ku saxiixnaa agaasimaha guud ee Wasaaradda Maxamed Xaashi Carabeey ayaa u dhignaa sida tan;
“Anaga oo ka duuleyna amarka Wasiirka Wasaaradda Batroolka & Macdanta kaas oo ah ilaalinta Hantida Qaranka gaar ahaan hantida maguurtada ah ee Wasaaradda Batroolka ee dhammaan dalka Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Banaadir ayaa waxaan fareynaa dhammaan dadka dagan xarunta Wasaaradda Batroolka ee kutaalla Seybiyano inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga guuraan sababtoo ah waxaa looga baahan yahay in dadkii guud oo markii hore loo dhisayba loo isticmaalo oo dib loo dhaqan geliyo”.
Marka laga yimaado qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka ee lagu dalbanaayay in laga guuro dhulka Wasaaradda eek u yaalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, waxaa sidoo kale amar lagu hakinayo dhismayaal soo saaray Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa lagu sheegay inaan wax “Guri ah laga dhisi karin” si kumeel gaar ah aaga Garoonka Diyaaradha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Qoraaladaan kasoo baxay labadaan wasaaradood ayaa u muuqda mid lagu hor istaagayo in dhulalka Wasaaradahaan ay dad gaar ah isticmaalaan, iyadoo la ogyahay in dhismayaasha Xarumaha dowladda ee Muqdisho ay ku nool yihiin dadweyne badan kuwaasoo qaarkood ay degan yihiin in ka badan 30 sano.
Lifaaqaan ka dheeho Qoraalka kasoo baxay Wasaaradaha Gaadiidka iyo Macdanta.

