Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Cali Guudlaawe oo gudoomiyay shirka Golaha Wasiirada.

Cali Guudlaawe oo gudoomiyay shirka Golaha Wasiirada.

Jowhar : Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada ee Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle.

Shirka Golaha ayaa looga hadlay Arrimaha Amniga, Dar-dar galinta Dhismaha Goleyaasha Deegaanka iyo Mashaariicda horumarinta Beeraha.

Madaxweynaha ayaa Wasaaradda Amniga gudaha ka dhageystay warbixinta howgalada lagu baacsanayo Al-Shabaab ee ka socda degmooyinka Maxaas iyo Matabaan oo laga gaaray guulo muhiim ah iyadoo nabad diidka laga xureeyay deegaaano badan.

Madaxweynaha ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha ka dhageystay warbixinta qorshaha kaga aadan dib u bilaabida dhismaha goleyaasha deegaanka iyadoo Wasaaradu sheegtay in dhowaaan ay bilaabi doonto dhismaha gole deegaan si bulshadu isu doorato.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa Golaha u soo gudbisay Warbixinta shaqooyinka socda ee lagu hagaajinayo Kanaalada biyaha iyo kuwa la rajeynayo in wax ka qabad lagu sameeyo, Wasaaradda Beeraha ayaa sidoo kale sheegtay in ay wadaan qorshe lagu horumarinayo beerista bariiska iyo dalagyada kala duwan oo faaiido wayn u leh bulshadeena.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay Xubnaha Golaha Wasiiradda isagoo kula dardaarmay inay dardar geliyaan qabashada shaqooyinka culus ee horyaala.