Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Madaxweyne Xasan Sh oo mid kamid ah Balan-qaadyadiisa ka dhabeeyay.

Madaxweyne Xasan Sh oo mid kamid ah Balan-qaadyadiisa ka dhabeeyay.

Muqdisho : Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer Madaxweyne dib ugu soo celiyey Sarreeye Guuto Saadaq Cumar Mohamed dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee uu ku lahaa Booliska Soomaaliyeed, si waafaqsan Qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Kumeel-gaar ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya sharciga dhismaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee lr. 2 oo soo baxay sanadkii 1973-dii ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in Booliska Soomaaliyeed ay saldhig u noqdaan hannaanka dimuqraadiyadeed iyo ilaalinta sharciga dalka.

"Sarreeye Guuto Saadaq Cumar Maxamed, laga bilaabo maanta oo aan saxiixay xeerkan Madaxweyne, waxa uu xaq u yeelanayaa dhammaan xuquuqda ciidan ee sharcigu uu u ogolyahay, iyadoo xeerkani uu baab’inayo dhammaan wixii xeer ah oo ka horreeyey.”

Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan galay Isniin, 15-ka bishan Ogoosto, 2022 oo ah marka uu saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sarreeye Guuto Saadaq Cumar ayaa waxaa shaqo ka joojin iyo darajo ka dhigis ku sameeyay Madaxweynihii hore Maxamed C/laahi Farmaajo, kadib markii Janaraalku sheegay inuu ka hor yimid muddo kororsi ay Golaha Shabacka BFS usameeyeen dowladdii hore, isagoona joojiyay kulan ay Xildhibaanadu yeelanayeen maalin nimadii 12-kii April 2021.

Saadaq ayaa kamid noqday Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, tilaabadaan uu qaaday Madaxweyne Xasan Sh ayey dadka siyaasadda ka faalooda ku tilmaameen inuu ka dhabeynaayo qeyb kamid ah ballan qaadkiisii xiliga Ololaha Doorashada.