Wasiirka Arrimaha Dibadda DFS oo qaabilay Safiirka cusub ee Kenya usoo magacowday Soomaaliya.
Muqdisho : Danjire Jeneral Thomas Chepkuto oo ay dowladda Kenya dhawaan usoo magacowday inuu noqdo safiirkeeda cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho.
Abshir Cumar Jaamac Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjire Chepkuto halkaas oo uu kaga gudoomay nuqul kamid ah warqadaha aqoonsiga ee Danjirenimo.
Wasiir Abshir Cumar Jaamac ayaa safiirka cusub ee Dowladda Kenya usoo magacaabatay Wadanka Soomaaliya kusoo dhaweeyay dalka, waxaana uu u rajeeyay inuu su guul ah uguto waajibaadka iyo howlaha horyaalla.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa dhankiisa waxaa uu la wadaagay Safiirka ay Kenya usoo magacaabatay Soomaaliya dhambaal hambalyo ah oo uu udiray madaxweynaha la doortay ee dalkaas William S Ruto.
Jeneral Thomas Chepkuto ayaa ka mahad celiyay qaabilaadda Wasiirka waxaana uu rajeeyay inuu si wanaagsan uga shaqeyn doono xiriirka labada wadan, waxaana uu sheegay in Shacabka iyo Dowladda Kenya ay ku faanayaan xiriirka wanaagsan ee ay la leeyihiin Shacabka iyo Dowladda Soomaaliya.
Danjiraha lasoo magacaabay ayaa dhawaan la filayaa inuu la kulmo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud si uu uga gudoomo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo.
Wadamada Soomaaliya iyo Kenya ayaa leh xuduud Dhuleed & mid Badeed waxaana xiriirka labada wadan dhowrkii sano ee lasoo dhaafay uu ahaa mid buuq siyaasadeed wajahayay, balse xilligaan waxaa labada wadan ka dhacay doorashooyin isbedel ku sameeyay hoggaankii sare ee labada wadan.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo doorashadiisa kadib socdaal ku tagay wadanka Kenya ayaa dib u fasaxay qaadka Miiroowga, iyadoo taas badalkeeda ay dowladda Kenya iibsaneyso Kalluunka Soomaaliya sida lagu sheegay xogta heshiiska dib loogu fasaxay Qaadkii Kenya.



