Sawirro : Maxey kawada hadleen Safiirka UK & Wasiirka Difaaca Soomaaliya?.
Muqdisho : Safiirka Dowladda Ingiriiska ujoogta Soomaaliya Danjire Kate Foster ayaa kulan waxaa ay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya kula qaadatay Wasiirka Difaaca & madax ka tirsan Wasaaradda.
Dowladda Ingiriisku waxaa ay qeyb ka tahay dowladaha taageerada siiya Soomaaliya waxaana ay kaalin muuqata ka qaataan tababarka Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Qeybta 60aad ee ka howlgala deegaanada Koonfur Galbeed.
Dowladda UK oo qeyb kamid ah Ciidankeeda howlaglka caawinta ah ay joogaan Soomaaliya ayaa magaalada Baydhabo ka furay dugsi tababar, waxaa ayna markaan shaaciyeen in lacag gaareysa £2.3 Milyan oo dheeri ah ay ugu deeqday Soomaaliya, taas oo lagu taaeerayo Ciidamada Dowladda ee dagaalka kula jira Ururka Al-Shabaab.
Kate Foster Safiirka Dowladda UK ee Soomaaliya ayaa arrinkaan sheegtay kadib kulan ay la qaadatay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur kulankaas oo ka dhacay xarunta Wasaaradda ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka Difaaca Dowladda Ingiriiska oo Soomaaliya booqasho ku yimid bishii May ee sanadkaan ayaa ballan qaaday inay xoojinayaan dadaalada wadajirka ah ee lagu hormarinayo xasiloonida gobolka iyo dib u dhiska Ciidanka Soomaaliya, kuwaas oo la rajeynayo inay mas’uuliyadda Amniga kala wareegaan Ciidanka Midowga Africa sanada 2024.
Wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa kaga mahad celiyay Safiir Kate Foster iyo dowladda Boqortooyada Ingiriiska taageerada muuqata ee ay ku bixinayaan dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.


