Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Madaxweyne Xasan Sh oo magacaabay xil cusub.

Madaxweyne Xasan Sh oo magacaabay xil cusub.

Muqdisho : Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo ka duulaya muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta hey’adaha dowladda gaar ahaan xiriirka dowlad-goboleedyada ayaa u magacaabay Maxamed Xasan Ibraahim Qoone Lataliyaha Madaxweynaha ee Xiriirka Dowlad-goboleedyada.

Madaxweynaha oo ku soo xulay Lataliyaha aqoonta iyo waayo-aragnimadiisa shaqo ayaa ku adkeeyay in uu door wanaagsan ka qaato qorshaha dowladda ee Soomaali heshiis ah, maamul daadejinta iyo kobcinta hannaanka Federaaleynta dalka, kuwaas oo mudnaan gaar ah uu siinayo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Lataliyahiisa dhanka Xiriirka Dowlad-goboleedyada Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone) Alle uga rajeeyey in uu u fududeeyo shaqada Qaran ee hortaalla.

Xeerkan Madaxweyne Lr 29 oo lagu magacaabay Lataliyaha ayaa dhaqan galay; Axad, 04-ta bisha Sibteembar, 2022, oo ah markii lagu baahiyay faafinta rasmiga ah ee dowladda.

Maalmihii dambe ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya inuu sii xumaanayo xiriirka wada shaqeyn ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Dhawaan ayey aheyd markii ay Wasiirada Maaliyadda ee Shanta Dowlad goboleed ee dalka ay baahiyeen war qoraal ah oo ay ku sheegeen inay hakiyeen xiriirkii wada shaqeyn ee kala dhaxeeyay Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Dhexe.

La Taliyahaan cusub ee uu magacaabay Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud ayaa laga sugayaa inuu wax badan ka qabto xiriirka liita iyo mad madowga ka dhex jira Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.