Madaxweynaha Galmudug oo shacabka ugu baaqay inay u midoobaan dagaalka Al-Shabaab.
Cadaado : Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar dhulka ah ku maraya deegaano katirsan Gobolka Galgaduud ayaa shalay waxa uu safarkiisa ku soo maray deegaanka Ardo, halkaas oo uu kula kulmay odayaasha iyo waxgaradka deegaanka.
Odayaasha iyo wax garadka deegaanka ayaa madaxweynaha waxaa uu ka dhagaystay warbixinno iyagoona odayaasha xusay in dadka deegaanka ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Galmudug ayaa lagu yiri; “Safarka madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye uu ku marayo deegaanadaas ayaa daaran u diyaar garowga dowlad iyo shacabba sidii deegaanadaas looga cirib tiri lahaa kooxaha Argagixisada ah”.
Deegaano dhaca gobolka Galgaduud ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa ka taagan xiisad dagaal oo u dhaxeysa Al-Shabaab & Dadka deegaanka oo garab ka helaya Ciidamada Dowladda iyo kuwa Daraawiishta Galmudug.