Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Soomaaliya oo ka qeyb galeysa Shirka Shidaalka ee Africa.

Soomaaliya oo ka qeyb galeysa Shirka Shidaalka ee Africa.

Muqdisho : Wafdi matalaya dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda  Batroolka iyo Macdanta Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa saacadaha soo socda waxaa ay u ambabaxayaan Magaalada Johannesburg ee dalka  Koonfur Afrika.

Wasiirka Wasaaradda Macdanta & Batroolka iyo Wafdigiisa ayaa ka qeyb galaya Shirka Todobaadka Shidaalka Africa oo Maalinta Berito oo Isniin ah lagu wado inuu ka furmo dalkaasi Koonfur Afrika.

Shirkaan ayaa waxaa kawada qeyb galaya dalalka Africa ee Kheyraadka leh, Shirkadaha iyo Dalalka kale ee daneeya Arrimaha la xiriira Shidaalka, iyaga oo isweeydaarsan doona tallooyin iyo qaabka labada dhinac uga wada faa’iideysan karaan kheyraadka iyo Shidaalka.

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa inta uu shirka socdo waxaa la filayaa in uu kulamo doceedyo la qaato qaar kamid ah Madaxda ka qeyb galeysa Shirka iyo mas’uuliyiinta Shirkadaha daneeya Arrimaha la xiriira wax soo saarka kheyraadka Shidaalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa waday dhowrkii sano ee la soo dhaafay dadaal ku aadan sidii dalka looga soo saari lahaa Shidaal, waxaana jiray shirkado Caalami ah oo heshiisyo lala galay, si ay dalka sahmin shidaal uga sameeyaan.