Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Wasiir Fiqi oo qaabilay wafdi ka socda Finland.

Wasiir Fiqi oo qaabilay wafdi ka socda Finland.

Muqdisho : Wasiirka arrimaha gudaha, federaalaka iyo dib u heshiisiinta ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday dowladda Finland.

Kulanka uu sidoo kale goobjoog ka ahaa wasiiru dowlaha wasaaradda mudane Ilyas Ali Hassan ayaa lagu soo qaatay arrimo badan oo ay ka mid yihiin xorreynta dalka ka socota, xasllinta, dib u heshiisiinta, iyo mashaariicda dowladda Finland ay ka waddo dalka.

Kulankan oo dhanka Finland ay ka socdeen mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen agaasimaha bariga iyo geeska afrika ee wasaaradda arrimaha dibadda Finland Jukka Pajarinen iyo Suldaan Saciid Axmed oo ah xildhibaan iyo ergeyga dalkaasi ee nabadda iyo dhaxdaxaadinta ee Geeska Afrika ayaa waxaa ka hadlay Suldaan Saciid isaga oo soo qaatay ujeedka safarkiisa, arrimo badan oo dalkiisa hortabin u leh, ayna ka gacan siinayaan Soomaaliya.

Saciid Axmed waxaa uu ka hadlay in dowladda Finland ay ahmiyad gaar ah u siineyso is cafinta, ayna diyaar u tahay maalgelinta arrimaha la xiriira nabadeynta, xasillinta iyo dib u heshiisiinta, ayna wax ka qabaneyso abaaraha, waxaa uuna intaa raaciyey in ay ka go’an tahay in Soomaaliya ay dhan walba ku garab istaagaan.

Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Ilyaas Cali Xasan oo isna fadhiga ka hadlay ayaa sheegay ahmiyadda dowladda ee dhanka maamul dedejinta, xorreynta ka socota deegaannada kala duwan, xasillinta isaga oo hooska ka xariiqay ahmiyadda nabadda, oo sida uu sheegay haddii la helo ay wax walba shaqeynayaan.

Ugu dameyntii, wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta ayaa hadaljeedintiisa waxaa uu dowladda Finland ku ammaanay shaqada ay ka wadaan guud ahaan Soomaaliya, isaga oo  ku nuuxnuuxsaday qorshaha dowladda Soomaaliya ee dib u heshiisiinta iyo sida ay uga mid tahay waxyaabaha hortabinta u leh sida xasillinta dalka iyo gargaarka meelaha laga qabtay argigixisada Al-Shabaab.

Dhanka kale, wasiir Ahmed Moallim Fiqi waxaa uu si gaar ah usoo hadalqaaday in ajendaha dowladdan ay ka mid yahay dib usoo nooleynta wada hadallada Soomaaliya iyo Somaliland isaga oo ergeyga Finland hordhigay sida ay muhiim u tahay kaalintiisa.