Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

WAR SAXAAFADEED KA SOO BAXAY BEESHA SURRE

WAR SAXAAFADEED KA SOO BAXAY BEESHA SURRE

WAR SAXAAFADEED

War saxaafadeed ka soo baxay kulan ay yeesheen siyaasiyiinta, taliyayaasha ciidanka iyo waxgaradka beesha Surre ee beelweynta Direed tariikhda 31dii Octoobar 2022 tasoo ka dhacday magaaladda Muqdisho.

War saxaafadeedka waxaa madasha ka akhriyey lataliyaha Madaxweynaha JFS ee arimaha siyaasadda iyo xiriirka baarlamaanka mudane Zakariye Xasan Gaashaan. Waxaa kaloo munaasabadda ka hadlay wasiirka Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda Mudane Wasiir Axmed Xasan Aadan.

War saxaafadeedka wuxuu ka koobnaa qodobada soo socda:

  1. Waxaa la isku waafaqay in si buuxda looga qayb qaato dagaalka Al-shabab looga xoraynayo gebi ahaanba dalka
  2. In abaabul xoogle loo galo sidii loo midayn lahaa cududa beesha
  3. In gurmad ciidan iyo siyaasiyiin loo diro degaanada beesha Surre dago deegaanadda Galmudug ee uu baahan in laga xoreeyo cadowga Al-shabab
  4. In la dhiiri galiyo shacabka iyo ciidanka beesha Surre ee dagaalka xaq u dirirka kula jira isla markaana lala garab istaago taageero maal iyo muruqba ah
  5. In beesha xoojiso iskaashiga iyo midnimadda ay la leedahay beelaha dariska ee dagaalka ayakuna kula jira Al-shabab iyo dadaalada dowladu federaalka ay ku hubinayso in laga guulaysto cadowga