Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Ciidamo katirsan Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya oo xiray guddoomiyaha degaanka Ceel-macaan.

Ciidamo katirsan Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya oo xiray guddoomiyaha degaanka Ceel-macaan.

Ciidamo katirsan Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya oo ka baxay magaalada Muqdisho ayaa xiray guddoomiyaha degaanka Ceel-macaan ahna Xildhibaan Golaha degaanka ee degmada Warsheekh Faarax Kuulow, waxaana loo xiray in uu leeyahay hubkii lagu dilay 2 Haween ah iyo wiil saqiir ah, dil wadareedkaas oo dhawaan ka dhacay Warsheekh.

Sidoo kale xogta aan helnay waxay sheegeysaa in Guddoomiyaha la xiray wiilkiisa curudka ah iyo mid uu adeer u yahay oo heesta hubka Guddoomiyaha ay dilkaas fuliyeen. Guddoomiyaha Ceel-macaan ayaa ku guul dareestay in mudadii lasiiyay uu ku keeno wiilashiisa oo ku eedeysan dil wadareedkaas oo aad u xanuujiyay shacabka Soomaaliyeed.