Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka oo daah-furay qorshaha Qaran ee kobcinta xirfadaha Haweenka ee ka faa’iideysiga khayraadka Badda.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka oo daah-furay qorshaha Qaran ee kobcinta xirfadaha  Haweenka ee ka faa’iideysiga khayraadka Badda.

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Salah Jama ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ka daahfuray qorshaha Qaran ee kobcinta xirfadaha Haweenka ee ka faa’iideysiga khayraadka Badda.

Qorshahan qaran ayaa loogu talo galay in si wadajir ah loogu horumariyo baahiyaha haweenka ee la xiriira wax soo saarka badda, kor u qaadidda doorka hoggaamineed ee haweenka, ka qaybgalka waxbarashada iyo shaqaalaysiinta, amniga iyo fursadaha maalgashi ee la xiriira badaha.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo hadal ka jeediyey munaasabadda daahfurka ayaa tilmaamaya in qorshahani uu wax ka badeli doono shaqo la’aanta iyo saboolnimada, isaga oo sheegay in haweenka ay fursad u heleyaan barashada xirfado ay uga faaiideysan doonaan khayraadka badaha ee dalkeenna ceegaaga.

Shirka oo ay si wadajir ah usoo qaban-qaabiyeen Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqal Insaanka, Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda iyo Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah, ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirradda Heer Dowlad Goboleed, xubno ka socday labada gole ee Baarlamaanka, Safiiro iyo masuuliyiin ka socday hay’adaha deeq bixiyaasha.