Xasan Sheekh oo Madaxweyneha Kenya William Ruto kala hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga Dalka Itoobiya ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Addis Ababa, Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto.
Ugu horreyn Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay dhiggiisa Dalka Kenya dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xasilinta iyo horumarinta dalka, gaar ahaan halganka isku dhafka ah ee ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay wadaan ee dalka lagaga xoreynayo Al-Shabaab.
Dhanka kale Madaxweynaha Dalka Kenya William Ruto ayaa sheegay in dalkiisu ay si buuxda u taageerayaan ka mid noqoshada Soomaaliya ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), isaga oona tilmaamay in dalkiisa ay saameyn toos ah ku yeelanayso xaaladda Soomaaliya, muhiimna ay u tahay xasilloonida Gobolka. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka.
Labada Madaxweyne ayaa iska xog-wareystay xaaladda gobolka iyo caqabadaha jira, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu u sheegay dhiggiisa Dalka Keny in Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku shaqeynayaan aragtida Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah, sidaas awgeedna ay mudnaanta siinayaan yareynta khilaafaadka iyo xasillooni darrada Gobolka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya u jooga ka qeyb galka shirka meertada 36aad ee Midowga Afrika, isaga oo maalnimadii shalay ka jeediyay khudbad uu kaga hadlayay Xaaladda guud ee Dalka gaar ahaan dagaalka ka dhanka Al-Shabaab ee ka socda qaar ka mid ah Gobollada.