Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Xassan Shiikh oo amaanay arrin ka dhacday Laascaanod, baaqna u diray Somaliland.

Xassan Shiikh oo amaanay arrin ka dhacday Laascaanod, baaqna u diray Somaliland.


Madaxweynaha ayaa adkeeyey doorka taariikhiga ah ee dadka Soomaaliland ay ka qaateen xornimada iyo midnimada dalka, isagoo muujiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaarka ugu tahay in la xalliyo tabashadii ay qabaan.


Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyey magaalooyinka dalka gaar ahaan Laascaanood sida maamuuska leh ee looga xusay maalinta xornimada iyo midnimada ee 1-da Luulyo.


“Magaalooyinka calanka laga saaray waxaa ku jirta Laascaanood, dalka oo dhan ayaa laga xusay sanadguuradaan, laakiin waxaan filayaa reer Laascaanood waxay u tahay markii ugu horeysay oo si muuqata ay ugu dabaal-degeen toddobaadka xorriyadda, guuleysta ayaan leeyahay “ayuu yiri


Madaxweynaha ayaa markale ku celiyay midnimada Soomaaliya, isaga oo sheegay in ay kaga garaabayaan Soomaaliland tabashada ay qabto kuna baaqay gogol nabadeed.