Dowladda Soomaaliya oo beenisay in ay Kenya wax wada hadal kala furayso kiiskii Badda
Dowladda Soomaaliya ayaa si cad u diiday hadal dhawaan ka soo yeeray Madaxweynaha dowladda Kenya, Willian Ruto, hadalkaas oo ku saabsanaa jiritaanka wadahadal u dhaxeeya labada dowladood oo ku saabsan muranka badda.
Bishii Oktoobar 2021, Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ), oo ah tan ugu sarreysa ee U.N, ayaa soo saartay go’aan lagusoo afjaray muranka badda, iyadoo Soomaaliya u xukuntay dhul badeedka lagu muransanaa. Muranka ayaa salka ku hayay samaynta xuduud badeed qayb ka mid ah badweynta Hindiya oo la og yahay in ay haysato kayd badan oo saliid iyo gaas ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa go’aanka maxkamadda ICJ ku tilmaantay guul ka dhalatay dadaalkeeda aan kala go’a lahayn ee ay ka qaadatay muranka Kenya ay galisay badda Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa dhawaan sheegay inay socdaan wada-hadallo, iyadoo uu dhexdhexaadinayo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabeysay hadalka Madaxweyne Ruto, ayaa beenisay in uu jiro wadahadallo ay Kenya kala yeelaneyso xuduudka badda ee maxkamadda ICJ go’aanka ka gaartay.
Inkastoo Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ay go’aan rasmi ah ka soo saartay dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, ayaa haddana waxaa Soomaaliya ka dhashay walaac ku saabsan ujeedka dhabta ah ee Madaxweyne Geelle. Waxaa jira warar tilmaamaya in madaxweyne Geelle uu si firfircoon ugu ololeynayo in dib loosoo celiyo wadahadallada iyo wada xaajoodyada labada dal ee kiiska badda.