Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Jabuuti.
Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray dalka Jubuuti, kadib muddo ka badan bil uu ku sugnaa deegaanada laga hogaaminayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Safarka madaxweynaha oo ah mid kadis ah oo aan horay loo sii shaacin ayaa ku qotoma arrimo la xiriira dagaalka Al-Shabaab iyo taageeda Jubuuti ee dowladda.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la kulmay dhiggiisa Jubuuti Ismaaciil Cumar Gelle, waxaana uu kala hadlay dagaalka Al-Shabaab iyo arrimo ku aadan ciidamada Jabuuti ee jooga Soomaaliya.
Labada Madaxweyne ayaa dul istaagay muhiimadda gobolka ay u leedahay in Al-Shabaab laga soo af jaro Soomaaliya, si loogu wada noolaado xasilooni iyo amni.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dowladiisu dagaal toos ah ay kula jirto Al-Shabaab ayaa taageera u raadinaya dagaalkaasi oo ah mid dowladdu ay ku doonayso in Al-Shabaab ay kaga adkaato deegaanada ay ka maamulaan Soomaaliya.