Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay howlgalada lagula dagaalamayo AS.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay howlgalada lagula dagaalamayo AS.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo jeediyay Khudbad uu uga hadlay xaaladda guud ee Dalka ayaa soo jeediyay in la garab istaago Ciidamada ku jira howlgallada ka dhanka ah ‘AS’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Wiilal iyo Gabdho Soomaaliyeed dhiiggooda ku daadiyaan dagaallo siyaasadeed ama kuwo beeleed oo xal aan xabbad ahayn lagu dhammeyn karo.

Ciidamada iskaashanaya ee Federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedyada & Dadka deegaanka ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u ballanqaaday in uu furimaha dagaalka la joogi doonno si uu ugu dhiirrageliyo howlgallada ay wadaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddooyinkii dambe ku sugnaa furimaha dagaalka gaar ahaan Dowlad-Goboleedyada Galmudug iyo Hir-Shabeelle.