Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Miisaaniyadda 2024 oo ka badan Hal Bilyan oo Dollar.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa faah-faahin ka bixiyay miisaaniyadda sanadka 2024 ee uu ansixiyay Golaha Wasiirrada, isbaddelka ku yimid sanadkaan, dakhliga gudaha kororka uu sameeyay iyo arrimaha kale ee dhanka maaliyadda quseeya.
Biixi Iimaan Cige oo Warbaahinta la hadlay kaddib markii Kulanka Golaha Wasiiradda uu ku ansixiyay Miisaaniyadda 2024 uu soo dhammaaday isaga oo sheegay in dakhliga gudaha uu sanadkaan gaaray meel sare.
Lacagtaan kororka sameysay ayuu sheegay in lagu maareeyo Mushaharka iyo Guddooyinka Shaqaalaha Dowladda iyada oo laga maarmayo kabkii lagu kordhin jiray si loo dhammeystiro ama loo buuxiyo lacagaha ka dhinnaada.
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ayuu uga mahadceliyay ansixinta miisaaniyadda 2024 oo ku timid soo jeedinta Wasaaraddiisa oo dhinac weliba kasoo dhammeystirtay miisaaniyaddaas ay ku shaqo galeyso Dowladda sanadka soo socda.
“Caawa Kulan aan caadi ahayn oo Golaha Wasiiru ku ansixiyay Miisaaniyadda sanadka soo socda 2024ka, waa Habeen wayn oo taariikhi ah oo miisaaniyaddaas aan ansixinay ay gaareyso $1,025,687,991 waxaana rajeyneynaa in sanadaha soo socda haddii alle idmo miisaaniyaddu intaas kasii kororto, Dakhligu guduha sanadkaan kor ayuu u kacay, waxaana fileynaa in haddii howlaha socda ay socdaan in mar aan dheereen dakhligu gudaha uu ku filnaado” Wasiirka Maaliyadda XFS.
Biixi Iimaan Cige Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa dhanka kale sheegay in Miisaaniyadda la kordhiyay sanadka soo socda xoogga lagu saarayo sare u qaadista dhinacyada Waxbarashada iyo Amniga oo ah laba dhinac oo muhiimad gaar ah u leh Xukuumadda Federaalka.