Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

MW Deni oo guddi u magacaabay wada-xaajoodka muranka ka taagan Doorashada DG Puntland.

MW Deni oo guddi u magacaabay wada-xaajoodka muranka ka taagan Doorashada DG Puntland.

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo saaran culeys dhinaca mucaaradkiisa ah kaas oo ka dhashay muranka Doorashada ayaa magacaabay Guddi uu ugu magac daray ‘Guddiga Wad-xaajoodka Arrimaha Doorashooyinka’.

Siciid Deni ayaa sheegay in markii uu arkay baahida loo qabo in aanay laga maarmin wadahadalka lagu dhammeeyo khilaafka ka dhashay arrimaha Doorashooyinka si looga gudbo xiisadda ka dhalatay khilaafkaas.

Deni ayaa sheegay in xubnaha Guddigaan uu u xulay waaya-aragnimada ay u leeyihiin howlaha uu u xilsaartay inkasta oo aanay la ogeyn sida ay u aqbali karaan xubnaha mucaaradka oo keliya shaaciyay in ay ku qancaan doorashada oo waqtigeeda ku dhacda.

Xubnaha Guddiga ayaa kala ah:1-Cabdi Faarax Siciid Juxa (Guddoomiye) 2-Ibraahim Cartan Xaaji Bakiin (Xubin). 3-Dr. Naciima Cabdiraxmaan (Xubin)..4-Cabdullahi Maxamed Xassan (Xubin) .

5-Maxamed Cabdiraxman Dhabancad (Xubin).  6-Xassan  Yuusuf Majabe (Xubin). 7-Xassan Caballa Xassan  Xubin.

Baaqyo kala duwan ayaa loo diray Xukuumadda Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni & mucaaradka kasoo horjeeda oo marar kala duwan murankooda uu gaaray gacan-qaad si looga hortago dagaallo salkoodu yahay doorashada.