Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Habraaca & shuruudaha Doorashada Madaxweynaha Puntland oo la soo saaray.

Habraaca & shuruudaha Doorashada Madaxweynaha Puntland oo la soo saaray.

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada Puntland ayaa magacaabay Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Qoraal ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamanka mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa lagu magacaabay Gudddiga Doorashada Madaxtooyada oo ka kooban 7 Xubnood

Waxaa Guddoomiye looga dhigay Xildhibaan Cabdiweli Yuusuf Warsame oo hore Guddoomiye ugu ahaa Guddigii Doorashada Guddoonka Baarlamanka.

Guddiga Doorasha Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo Saaka la magacaabay ayaa soo saaray Habraaca iyo Shuruudaha Doorashada oo lagu wado iney dhacdo 8 Bisha aynu ku jirno ee Janaayo oo maalmo kooban ay naga xigaan.