Wasiirka Biixi oo Paris uga qeybgalay shir Deyn Cafinta lagu dhammaystirayo
Magaalada Paris ee dalka France ayaa lagu saxiixay Heshiis Dowladda Soomaaliya looga cafiyay lacag dhan 1.2 Bilyan oo ay la haayeen dalalka ku bahoobay Nadiga Paris Club.
Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan magaalada Paris ayaa waxa uu shir wada-xaajood ah la qaatay matalayaadha Dalalka xubnaha ka ah Naadiga Paris.
Shirkaan ayaa tix-raac u ahaa go’aankii ay hore u gaareen sandlii 2020-ka kaas oo ay ku dhawaaqeen in ay Soomaaliya ka cafiyeen deymihii lagu lahaa, taas maanta ay dhacday in si rasmi ah loo saxiixo heshiiska lagu tirirayay lacagaas lagu lahaa Soomaaliya.
Marka uu soo baxay Go’aanka Naadiga Paris, wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin kooban ka bixiyay natiijada ka dhalatay shirka Paris. Wasiir Biixi ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in ay ku qanciyeen dalalka Paris Club in Soomaaliya ay u sameeyaan dayn cafis dhameystiran sida maantaba dhacday.
Xubnaha Naadiga Paris ee maanta shirka joogay waxa ay ka koobnaayeen toban ka mid ah kuwa Soomaaliya ku lahaa deymaha culus, ku waas oo maanta saxiixay kuna dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyay deymihii ku harsanaa.
