Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya oo Shaaciyay in ansixinta Dastuurka meesha ka saareyso Musharaxiintii Shisheeyaha wateen

Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya oo Shaaciyay in ansixinta Dastuurka meesha ka saareyso Musharaxiintii Shisheeyaha wateen

Ansixinta iyo wax ka bedelka Dastuurka ayaa xilligan waxaa ka jira khilaaf xooggan, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladiisa ayaana dedaal badan ku bixinaya sidii Dastuurka loo ansixin lahaa, halka siyaasiyiinta mucaaradkana si weyn uga soo horjeedaan.

Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Dastuurka KMG ee hadda la doonayo in wax laga bedelo isaga naftiisa sheegayo in in uu furan yahay wax ka bedelkiisa uuna caddeenayo cutubka 15-aad.

Waxa uu sheegay Wasiir Fiqi haddii la ansixiyo Dastuurka wax ka bedeliiisa lana helo Dastuur sax ah in ay meesha ka bixi doonaan siyaasiyiinta sheegta in ay wataan dowlado shisheeye uuna soo hari doono midkii kusoo baxa codka dadweynaha.

Wasiirka ayaana ku baaqay in dalka lagu kalsoonaado loona jiheesto kalsooni ka raadsashada shacabka Soomaaliyeed oo diyaar u ah in 54-sanno kaddib si dimuquraadi ah usoo doortaan madaxdooda.

Mucaaradka dowladda oo ay ugu horreeyaan madaxdii hore ee dalka soo maray ayaa kasoo horjeeda wax ka bedelka Dastuurka iyo ansixintiisa, waxa ayna kasoo horjeedaan qodobo laga saaray Dastuurka iyo kuwa cusub oo hadda lagu soo daray.