Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

tallaabadda xigta kadib ansixinta dastuurka dalka oo u baahan in la sii bilaabo

tallaabadda xigta kadib ansixinta dastuurka dalka oo u baahan in la sii bilaabo

Kadib meel-marinta wax ka beddelka dastuurka ayaa la isweydiinaya tallaabadda xigta, xilli Villa Somalia ay uga adkaatay mucaaradka baarlamaanka.

Shaqada xigta ansixinta afarta cutub ayaa ah in la dhameystiro shuruucda lagama maarmanka ah, si loo gaaro doorashada xisbiyada badan,

”Sida uu dhigayo dastuurka hadda la ansixiyay waxaa xigi doona si loo gaaro doorasho in shuruucda muhiimka u ah doorashooyinka la sameeyo sida; sharciga doorashooyinka, sharciga xisbiyadda siyaasadda, sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka in dib-u-eegis lagu sameeyo, maadaama dastuurka lagu daray tilmaamo awal aan ku jirin,”

”Caqabadihii nasoo maray waxaa kamid ahaa in doorashada aysan waqtigeeda ku dhici jirin, waxa doorashooyinka saldhig u ah shuruucda sida; sharciga doorashooyinka oo la ansixiyay 2020-kii, iyadoo muddo xileedka dowladdu ay ka dhiman tahay bilo.”

Wax ka beddelka la ansixiyay ayaa khuseeya afarta cutub ugu horreysa ee dastuurka KMG, oo ay ku jiraan isbeddel lagu sameeyay hannaanka doorashooyinka iyo habraaca cusub ee loo marayo doorasho qof iyo cod ah oo ay ku tartamaan saddex xisbi.

Sidoo kale wax beddelka ayaa dhigaya in muddo xileedka federaalka u noqdo shan sano, halka u markii hore ka ahaa afar sano. Waana mid muujineysa in sanad dheeri ah ay heli doonan hoggaanka haatan tallada haya.