Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Xog ku saabsan magaacibadda golaha wasiirada ee Dowladda federaalka ah

Xog ku saabsan magaacibadda golaha wasiirada ee Dowladda federaalka ah

Waxaa lagu wadaa maanta oo Sabti ah in la magacaabo qaar kamid ah golaha wasiirada xukuumadda Dowlada federaalka Soomaaliyeed.

Xog ayaa sheegaysa in magacaabis cusub aysan dhacayn laakiin la buuxin doono wasaaradaha banaan, marka laga reebo Wasiir iyo wasiiru dowle xilka waayi doona.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu wadaa in loo magacaabo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee hadda Axmed Macalim Fiqi, wasaaraddaas ayaa xilkeeda waxaa baneeyey wasiir ka soo jeedey Puntland Abshir Cumar Huruuse.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa xogtu sheegaysa in loo magacaabyo Xil.Cali Yusuf Cali Xoosh oo ka soo jeeda Puntland.

Wasaaradda Amniga oo wasiirkeedi safiirka Qatar loo magacaabay ayaa banaaneyd, waxaana warku sheegayaa in loo magacaabayo Sen. Cabdullaahi Sheekh ismaaciil Fartaag oo ka soo jeeda Jubaland.

Xogta ayaa sheegaysa in wasiirka boostada iyo isgaariinta Jaamac Xasan Khaliif uu xilka waayi doono, waxaana beddeli doona Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo isla wasaaraddaas loo magacaabi doono.

Xogta ayaa intaas ku daraysa in Xildhibaan Cabdicasiis Qambi iyo Xildhibaan Ismaaciil Shire oo ka soo wada jeeda Puntland loo magacaabi doono wasiiru Dowlayaal.