Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay xuska 15-ka May

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay xuska 15-ka May

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xuska maalinta Dhalinyaradda Soomaaliyeed ee 15-ka May Awgeed waxa uu Ubax dhigay Taalada SYL oo lagu xasuusto dhalinyaradii gobonimo u dirirka ahaa ee SYL.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeybgalay munaasabadda Ubax dhiga xuska 15-ka May, oo ah maalinta aas-aaska dhalinyaradii gobonimo doonka SYL ee dhexda u xirtay dhismaha Qaranka Soomaaliyeed.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS, Wasiirka Dhalinyaradda XFS, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda G/Banaadir, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.