Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Shirki golaha wasiiradda oo manta looga dooday amniga iyo waxbarshada

Shirki  golaha wasiiradda oo manta looga dooday amniga iyo waxbarshada

Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Jaamac ayaa shirguddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Shirka ayaa ugu horrayn warbixinta amniga looga dhagaystay Wasiirrada Amniga iyo Gaashaandhigga oo golaha la wadaagay abaabulka iyo diyaar-garowga wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dhanka kale Golaha Wasiirrada ayaa loo qeybiyay heshiis iskaashi dhanka difaaca ah oo u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya, iyo siyaasadda dawladda ee baraha bulshada oo ay soo gudbisay Wasaaradda Waxbarashada.

Todobaadkii hore wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Kenya ayaa qaar ka mid ah Golaha Wasiirradiisa waxa ay heshiis is afgarad ah la saxiixdeen wasiirrada dhiggooda ee dalkaas, waxaana la filayaa dhawaan in ay ansixiyaan Golaha Wasiirrada si loogu gudbiyo mudanayaasha Golaha Shacabka.