Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Guddoomiyaha Baarlamaanka Bariga Africa oo ka qeyb gelayo kulanka Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Bariga Africa oo ka qeyb gelayo kulanka Golaha Shacabka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan aan caadi ahayn, kulankaas oo uu ka qayb gellay Guddoomiyaha Baarlamaanka Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika, Joseph Ntakirutimana.

kulanka maanta  ayaa uu ku saabsan  sidii loo dardar gelin lahaa tallaabooyinka loo marayo matalaadda ay Soomaaliya ku yeelan doonto Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika oo ay dhowaan ku biirtay.

Gudoomiyaha golaha shacabka Sh Aaadan Madoobe  ayaa sheegay in soo xulista 9-ka xubnood loo mari doono habraac gaar ah, kuwaas oo ka iman doonaan bulshada lana marsiin doono shuruucda u degsan Ururka.