Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

RW Xamsa Cabdi Barre oo Baydhabo u tegaya xal u helista xiisadda ka dhalatay bixitaanka Ciidanka Itoobiya

RW Xamsa Cabdi Barre oo Baydhabo u tegaya xal u helista xiisadda ka dhalatay bixitaanka Ciidanka Itoobiya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta lagu wadaa in uu Magaalada Baydhabo xarunta Kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed u tago xal u helista xiisadda ka dhalatay in Dalka laga saaro Ciidanka Itoobiya ee Dowladdooda Xadgudub ku sameysay midnimada & wadajirka JFS.

Ilo ku dhow safarka Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in uu diiradda saari doonno xal u helista walaaca Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ka muujineyso haddii ay baxaan ciidanka Itoobiya oo deegaannada Dowlad-Goboleedkaas ku sugan.

Xamsa iyo Laftagareen ayaa kawada xaajoon doonna qorshaha Xukuumadda Federaalka ay diyaarisay ee lagu qancin karo Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed si looga saaro walaaca ay ka muujineyso haddii Ciidamada Itoobiya isaga baxaan deegaannada ay haatan joogaan.

Kulamada Madaxda sare Dowladda Federaalka & Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed waxaa qayb ka noqonaya Xildhibaannada Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda ee deegaan doorashadoodu tahay Dowlad-Goboleedkaas.

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa todobaadkaan si kulul uga hadlay arrinta la xiriirta xiisadda ka dhalatay Joogitaanka Ciidamada Itoobiyaanka, waxa uu kulan wadatashi ah isugu yeeray Xildhibaannada ku metala Baarlamaanka JFS.