Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Madaxweyne ku xigeenka Kenya oo maanta baarlamaanka hortegaya xilli qorshaha xil ka qaadisitiisii socoto

Madaxweyne ku xigeenka Kenya oo maanta baarlamaanka hortegaya xilli qorshaha xil ka qaadisitiisii socoto

Waxaa maalmihii u danbeeyey tagnaa doodda ku aaddan xil ka qaadista madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya, Rigathi Gachagua kaas oo sheegay wacad-na ku maray in uu iska difaaci doono baarlamaanka hortiisa oo Talaadada maanta ah ay ka bilaabanayso dacwadda xil ka qaadistiisa.

Dadaalka lagu doonayo in xilka looga xayuubiyo Rigathi Gachagua ayaa daba socda khilaaf kala dhexeeyo madaxweyne William Ruto.

Xildhibaanada taageersan mooshinka ayaa ku eedeynaya inuu hanti badan lunsaday tan iyo markii uu xafiiska yimid labo sannadood ka hor.

Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu door ku lahaa dibad baxyadii dowladda lagaa soo horjeeday ee bishii June, oo uu ku wiiqay dowladda iyo inuu kor u qaaday siyaasadda qowmiyadaha ku saleysan.

Hadal diidmo ah ayuu Gachagua meesha kaga saaray dhammaan eedeymaha ka dhanka ah isaga oo uu ku tilmaamay dacaayad cad.

Gachagua ayaa kasoo jeeda gobolka codadka ugu badan laga helo ee Mount Kenya, wuxuuna taageerayaal badan usoo jiiday Ruto.

Ruto ayaa hore u ballan-qaaday inuusan Gachagua gelin doonin “ciriiri siyaasadeed”, oo la mid ah tii uu isagu la kulmay markii uu madaxweyne ku xigeen u ahaa ninkii uu xukunka kala wareegay, Uhuru Kenyatta.