Masar oo dadaal dheeraad ah ku bixineysa sidii ay uga mid noqon laheyd howlgalka cusub ee Soomaaliya
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty ayaa dhawaan safar ku tagey Uganda, isaga oo kulamo la yeeshay Madaxda u sarreysa dalkaasi oo ugu horreyo Madaxweyne Yoweri Museveni.
Wasiirka Arrimaha dibadda Masar iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa ka wadahadlay qorshaha howlgalka cusub ciidamada Midowga Afrika kana billaaban doona Soomaaliya.
Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa ku adkeystay in dalkiisu uu diyaar u yahay inuu sii wado taageeradiisa iyo ka qaybgalka howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Waxa uu sidoo kale caddeeyey in Soomaaliya ay leedahay xaq buuxa oo ay ku go'aamiso sida iyo dalalka xubnaha ka ah ee ciidamada keeni doona, iyadoo la ixtiraamayo madax-bannaanida dalka martigelinaya.