Monday, July 27, 2026
HomeSPORTSWararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga xagaagan

Wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga xagaagan

Waxaa si xooggan u socda suuqa kala iibsiga xagaagan, iyadoo kooxaha waaweyn ee Yurub ay wadaan dadaallo lagu xoojinayo kooxahooda. Halkan hoose ka akhri wararkii ugu dambeeyay:

Manchester United ayaa bartilmaameed ka dhigatay goolhayaha Nick Pope (33 jir), haddii Newcastle ay dhammeystirto amaahda Aaron Ramsdale oo 27 jir ah, kana tirsan Southampton.

Newcastle ayaa la gaaray heshiis amaah ah oo Ramsdale ku keeni kara kooxda, iyadoo fursad u heli doona inay si rasmi ah ula wareegto dhamaadka xilli ciyaareedka.

Man United waxay sidoo kale xiiso u qabtaa Gianluigi Donnarumma (26 jir), goolhayaha PSG, balse waxa ay ka caga jiidaysaa tartanka ay kula jirto Chelsea iyo Man City.

Arsenal ayaa weli daneenaysa garabka Eberechi Eze (27 jir), balse ma doonayso inay bixiso £60m oo lagu burburin karo qandaraaskiisa, waxayna sugaysaa in Crystal Palace ay qiimaha hoos u dhigto.

Borussia Dortmund ayaa xiiseynaysa Leandro Trossard (30 jir), laakin waxa uu sidoo kale xiiso ka helayaa kooxo kale oo Premier League ah.

Fenerbahce ayaa dooneysa Federico Chiesa (27 jir), laakiin weeraryahanka reer Italy ayaa doorbidaya inuu ku laabto Serie A.

Man United ayaa diyaar u ah inay qiimo dhimis ku iibiso Jadon Sancho (25 jir), iyadoo Dortmund iyo Juventus ay labada xiiseynayaan.

United ayaa ka baxday tartankii Nicolas Jackson (24 jir) kadib markii uu dalbaday mushaar aad u sareeya.

Ollie Watkins (Aston Villa) ayaa noqday bartilmaameedka koowaad ee weerarka United, halka Sesko yahay bartilmaameedkooda labaad.

United ayaa la sheegay in ay diyaar u tahay inay iska iibiso Alejandro Garnacho, iyadoo wadahadallo lala yeeshay Chelsea iyo Aston Villa.

Liverpool ayaa dhammeystirtay heshiis ay kula soo wareegtay Will Wright (17 jir), weeraryahan ka tirsanaa Salford City.

Waxii kusoo kordha suuqa kala iibsiga, kala soco wararkeena xiga.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments