Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

DF oo ku baaqday in la xulo Xildhibaannada Maamulka Waqooyi Bari.

DF oo ku baaqday in la xulo Xildhibaannada Maamulka Waqooyi Bari.

Dowladda Federaalka ayaa ku baaqday in la xulo Xildhibaannada Maamulka Waqooyi Bari

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Yuusuf Xoosh, ayaa ugu baaqay Odoyaasha dhaqanka iyo nabadoona Maamulka Waqooyi Bari in si degdeg ah loo soo xulo Xildhibaannada dowlad goboleedkaasi.

Wasiir Cali oo la hadlay mas’uuliyiin iyo shacabka magaalada Laascaanood ayaa sheegay in muddo aan ka badneyn laba maalmood laba bari doono loo baahan yahay in lagu soo dhammeystiro doorashada Xildhibaannada.

“Laba beri gudahood ayaa la doonayaa inaad soo xushaan Xildhibaannada, si ay isaga doortaan qofka ugu wayn, weli si caddaalad ah lagu soo xulo,” ayuu yiri Wasiir Cali Yuusuf Xoosh.

Wasiirku waxa uu intaas ku daray in kadib marka la dhameystiro doorashada Xildhibaannada, si dhaqso ah loo guda geli doono doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa Maamulka Waqooyi Bari.