Hoggaamiye Firdhiye oo Caawa Saxeexaya Dastuurka Waqooyi Bari Soomaaliya
Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Firdhiye, ayaa lagu wadaa in uu caawa si rasmi ah u saxiixo Dastuurka cusub ee dowlad goboleedka.
Dastuurkan ayaa lagu saleeyay wadatashi qaran oo ay ka qayb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada.
Saxiixa ayaa ka dhici doona xarunta madaxtooyada Laascanood, waxaana goob-joog ka noqon doona madax heerar kala duwan ah iyo wakiillo ka socda dowlad federlka Dastuurka cusub ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah xasilloonida siyaasadeed, dowlad wanaagga, iyo hirgelinta nidaam doorasho oo cadaalad ah.