Golaha Warbaahinta Madaxabanaan oo canbaareeyay falkii ciidamada Police ku kula kaceen Talefishinka SMS.
Golaha Warbaahinta Madaxabanaan oo canbaareeyay falkii ciidamada Police ku kula kaceen Talefishinka SMS.
War-saxaafadeed Halkaan Hoose ka Akhriso
Mogadishu – Augusto 03 2025 –
Golahaha warbaahinta madaxabannaan, waxaa uu aad u canbaareynayaa weerarka xadgudubka ah ee mas’uuliin katirsan booliska federaalku ay ku qaadeen xarunta SMS TV, kaddibna ay qasab ku kaxaysteen labo wariye, iyadoo isla markaasina xoog looga qaatay kamirooyinkii iyo agabkii shaqada, kaddibna ay xabsiga ugu taxaabeen si sharci darro ah.
Waxaa goluhu, uu walaac ka muujinayaa tacaddiyada bareerka ah ee qaar kamida boolisku ay caadeysteen in ay ku beegsadaan wariyayaalka gudanaya howlahoodi wariyenimo.
Runtii waa wax laga xumaado in booliska oo waajibaadkooda ay kamid tahay dhowrista sharciga iyo ilaalinta xorriyadda warbaahinta in ay ku sifoobaan ku tumashada sharcigii ay ummadda ugu shaqaynayeen.
Goluhu, waxaa uu ugu baaqayaa hay’adaha garsoorka iyo mas’uuliyiinta u xilsaaran arrimaha dhowrista sharciga in ay soo farageliyaan si wax looga qabto tacaddiyada iyo dhibaatooyinka ay boolisku ku hayaan saxaafadda madaxa bannaan.
Goluhu, waxaa ugu baaqayaa ma’uuliyiinta xukuumadda in xorriyaddooda dib loogu soo celiyo :
1- Wariye Xuseen Ciise Maxamed
2- Wariye Cismaan Cabdullahi Carab.
Goluhu, waxaa uu ugu baaqayaa deeq bixiyayaalka taageerada u fidiya booliska in ay fiiro gaara u lahaadaan tacaddiyada ay sida gaarka ah ugu hayaan boolisku suxufiyiinta hay’adaha madaxabannaan.
DHammaad
