Ololaha Nadaafadda ee Muqdisho oo si rasmi ah u bilowday
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta bilaabay olole nadaafadeed oo ka socda qeybo ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho.
Ololahan ayaa lagu muujiyey firfircooni ballaaran, iyadoo lagu dadaalayay in kor loo qaado bilicda iyo nadaafadda caasimadda.
Xildhibaan Maxamed Cumar Xaadoole, oo ka qeyb galay ololaha, ayaa si kulul uga hadlay arrimaha nadaafadda gobolka Banaadir, isagoo ku baaqay in la dardargeliyo dadaallada lagu ilaalinayo nadiifnimada magaalada.
Guddoomiye Muungaab ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ay iyaguna qeyb ka noqon doonaan ololaha nadaafadda. Waxa uu sidoo kale ballan qaaday in mushaharka shaqaalaha ka shaqeeya nadaafadda la kordhin doono.
Wasiirka Caafimaadka XFS, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa isna carabka ku adkeeyay in “Nadaafaddu ay tahay laf-dhabarka caafimaadka bulshada.”
Dhankiisa, Wasiirka Cadaaladda XFS Xasan Macallin ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan ilaalinta bilicda iyo nadaafadda magaalada Muqdisho.
Ololahan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda ee lagu horumarinayo deegaanka iyo nolosha dadka ku nool caasimadda.