Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

WAR DEG DEG AH: Dhul Boob Culus oo Ka Socda Xaafadda 1-da Luulyo, Degmada Daaru Salaam – Shacabka oo Codsi u Diray Madaxweyne Xasan Sheekh

WAR DEG DEG AH: Dhul Boob Culus oo Ka Socda Xaafadda 1-da Luulyo, Degmada Daaru Salaam – Shacabka oo Codsi u Diray Madaxweyne Xasan Sheekh

Wararka naga soo gaaraya xaafadda 1-da Luulyo ee degmada Daaru Salaam ayaa sheegaya in uu ka socdo dhul boob baahsan oo si weyn uga cadhaysiiyay shacabka deegaankaas.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegaya in burcad dhuleed si sharci-darro ah ugu soo xadgudubtay dhul ay leeyihiin, iyagoo wata gaadiid iyo xoog ciidan ah, halka dadka deegaanka ay wataan dukumiintiyo sharci ah oo muujinaya lahaanshahooda dhulkaasi.

Nabadoon Maxamed Siyaad, oo ka mid ah odayaasha dhaqanka deegaanka, ayaa warbaahinta u sheegay:

“Madaxweyne Xasan Sheekh, yaan dhiiqo lugaha laguu galin. Waxaan cabasho ka nahay burcad dhuleed si sharci-darro ah noo barakicinaya. Dadka raba inay sida Falastiin noo dhigaan sida Yahuudda ugu soo duushay, dhulkeena boobaya… Madaxweyne naga qabaa, hadda ayay joogtaa meel wax laga qaban karo.”

Shacabka ayaa cod dheer ku dalbanaya in la joojiyo boobka dhuleed, islamarkaana dowladda dhexe ay si degdeg ah faragalinta ugu sameyso xaaladda, si looga hortago colaad iyo kacsanaan ka dhalata arrintan.

Dadka deegaanka waxay sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay si nabad ah u difaacdaan dhulkooda, balse waxay ka digeen in haddii aan wax laga qaban xaaladda, ay khatar ku tahay nabadda iyo xasiloonida deegaanka