Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Madaxda dowlada oo ka tacsiyeysay Dhimashada Madaxii UNSOS oo geeriyootay

Madaxda dowlada oo ka tacsiyeysay Dhimashada  Madaxii UNSOS oo geeriyootay


Dr Aisa Kirabo Kacyira oo ahayd Madaxii Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taakulaynta Soomaaliya (UNSOS) ayaa la xaqiijiyay in ay geeriyootay iyada oo jirta 61 sano, waxaa xogtaan lagu baahiyay barta gaarka ah ee xafiiska ay katirsanayd.


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyay geerida Aisa isaga oo ku tilmaamay hoggaamiye adkeysi leh oo kaalin muhiim ah ka qaadatay muddadii ay xafiiskaan joogtay xasiloonida iyo horumarka Soomaaliya.


Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac oo bartiisa Facebook soo dhigay qoraal tacsi ah ayaa Dr Aisa Kirabo u tacsiyeeyay ehelkeeda, xafiiskii ay katirsanayd iyo dhammaan xubnihii shaqo wadaagga ay la ahayd.


Aisa waxa ay mar soo noqotay duqa Magaalada Kigali ee xarunta Dalka Rwanda, waxa soo qabatay xilal kala duwan oo ah xafiisyada Qaramada Midoobay, Safiir, ku xigeenka Madaxa fulinta iyo shaqooyin kala duwan.