Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maxamed Cali Nuur “Ameerico” u Magacaabay Maareeyaha Dekedda Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maxamed Cali Nuur “Ameerico” u Magacaabay Maareeyaha Dekedda Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bishan Agoosto 3-deedii si rasmi ah u magacaabay Maxamed Cali Nuur “Ameerico” inuu noqdo Maareeyaha Dekedda Muqdisho, mid ka mid ah ilaha dhaqaalaha ugu muhiimsan ee dalka.

Maxamed Cali Nuur, oo horey u soo noqday Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya, ayaa tan iyo markii uu xilkaasi ka baxay ku mashquulsanaa howlo samafal, isagoo maamula hay’adda Yasmin Foundation oo ka shaqeysa arrimaha bulshada, gaar ahaan taageerada dadka danyarta ah iyo horumarinta waxbarashada.

Magacaabistan ayaa imaneysa xilli dowladda Federaalka ay dadaal ugu jirto dib u habeynta iyo kor u qaadidda adeegyada dekedda, si ay u noqoto mid la tartami karta dekedaha gobolka, islamarkaana sare loogu qaado dakhliga dalka.

Xukuumadda ayaa rajeynaysa in khibradda iyo xiriirka uu leeyahay Maareeye Ameerico uu gacan ka geysan doono horumarinta adeegyada dekedda, maalgashi la soo jiido, iyo hagaajinta maamulka dekedda si loo kordhiyo hufnaanta iyo daahfurnaanta.

Waxaa la filayaa in uu xilka si rasmi ah ula wareego toddobaadyada soo socda, iyadoo ay socon doonaan kulammo la xiriira isbedelada la qorsheynayo in lagu sameeyo maamulka dekedda Muqdisho.