Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaran oo go’aan cusub soo saaray

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaran oo go’aan cusub soo saaray

Guddiga madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka Soohdimaha (GMDQS), Maanta co ay Taairiikhdutahay 23/08/2025, Kullan ay yeesheen Xubnaha Guddiga madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka Soohdimaha (GMDQS), kana dhacay xarunta dhaxe ee Guddiga ayan waxaa laga soo saaray go’aamadan hoos kuxusan.

Guddiga Madaxa Baaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha (GMDQS) kadib markii uu arkay qodobka 21 aad ee Dastuurka JFS, islamarkaana tixgeliyey si waafaqsan Qod. Saad ee Xeer Lr. 27 aad ee Sharciga Ururada iyo Xisbiyada Siyaasadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya soona baxay 21-da November 2024 iyo Qod. 10aad Faq. 4aad ee Xeer Lr. 26 ec Shareiga Dhisidda Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha soona baxay 21-da November 2024.

Isla markaana tixgeliyay:

a) Muhiimmadda ay leedahay in Muwaadiniinta Soomaaliyeed fursad loo siiyo Xaqiijinta kudhaqanka Xuquuqdooda Dastuuriga si waafaqsan Qod. 21aad ee Dastuurka JFS.

b) Lagama maar-maanimada si loo xaqiijiyo Qodobkaas Dastuuriga in la balaariyo loona furo ka qaybgalka dadka soomaaliyeed hanaanka doorashooyinka dalka.

c) Kadib markii uu tixgeliyey muhiimadda ay leedahay Hirgelinta Doorashada Golaha Deegaanka ce JFS oo qabsoomeyso muddo 56 sano ah kadib ay uu leedahay kobcinta dimooqarnadiyada dalka.

d) kadib markiii uu tixgeliyey rabbitanka iyo codsiyada daneeyaasha doorashada, taa co si xowli ah u soo gaareysay Xafiiska GMDQS.

Guddigu waxaa uu go’aamiyey:

1. In dib loo furo diwaangeminta Ururrada Siyaasadda muddo Laba Todobaad ah co ka bilaabata Maanta 23/08/2025 kuna eg 06/09/2025.

2. In Dhamaan Ururradii Siyaasadeed ee ay ka xirantay Diiwaangelinta Wajigii laad ka faa’ideystaan Fursadaan qaaliga.

3. In Muwadiinta Soomaaliyeed ay ku biiraan Ururrada Siyaasadded ee dalka si ay u xaqijiyaan xuquuqdoda Siyaasadeed ee Dastuuriga.

   Halkaan hoose ka akhriso qoraalka Guddiga:-