Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

πŒπ€πƒπ€π—π–π„π˜ππ„ 𝐗𝐀𝐒𝐀𝐍 π’π‡π„π„πŠπ‡ 𝐎𝐎 π‡π€πŒππ€π‹π˜πŽ 𝐔 πƒπˆπ‘π€π˜ πŒπ€πƒπ€π—π–π„π˜ππ€π‡π€ 𝐈𝐘𝐎 πŠπ”π—πˆπ†π„π„ππŠπˆπˆπ’π€ π‹πŽπŽ πƒπŽπŽπ‘π“π€π˜ π–π€ππŽπŽπ˜πˆ ππ€π‘πˆ

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Madaxweyne Cabdulqaadir Axmed Aw-cali iyo Madaxweyne Kuxigeen Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo loo doortay hoggaaminta Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Madaxweynaha oo bogaadiyey bisaylka ay muujiyeen Xildhibaannada, Guddoonka iyo musharraxiinta Madaxtinimada ee ku loollamay Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa Alle uga rajeeyey Hoggaanka la doortay in uu u fududeeyo gudashada masuuliyadda culus ee hortaalla.

β€œWaxaan u rajeynayaa Madaxweyne Cabdulqaadir Axmed Aw-cali iyo Kuxigeenkiisa Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil in uu ka yeelo hoggaan mideeya bulshada Waqooyi Bari, kana shaqeeya nabadda, horumarka iyo dowladnimada. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay diyaar u tahay in ay garab istaagto dowlad-goboleedka si wadajir loogu xaqiijiyo dhammaystirka Federaaleynta”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku adkeeyey bulshada iyo hogaanka cusub ee Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari in ay adkeeyaan midnimada, wadajirka iyo iskaashiga, si looga gudbo caqabadaha jira loona gaaro horumar waara.