Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Maxaa ka jira in Xassan Shiikh uu isbedel ku sameynayo Wasiiro & Safiiro?

Maxaa ka jira in Xassan Shiikh uu isbedel ku sameynayo Wasiiro & Safiiro?

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud ayaa qorsheynaya isbedel lagu sameeyo qaar kamid ah xubnaha golaha wasiiradda & Safiirka Soomaaliya ee hoggaamiya ergada Soomaaliya ku matelaya xarunta Qaramada Midoobay

Talaabadan ayaa ka dhalatay cadaadis Madaxweynaha kaga imaanayo 2 dhinac oo kala ah dalal xariir wanaagsan kala dhaxeeyo madaxweynaha & wasiiro ka tirsan xukuumadda Faderaalka.

Qaar kamid ah xubno ku dhow madaxweyne Xassan Sheikh ee golaha wasiiradda, oo ay kujiraan xubno galaangal ku leh arimaha dibada ayaa quul-dareynaya in safiirkii hore ee Washington loo magacaabo xarunta QM, halka xubno kalena ay doonayaan in lageeyo siyaasi kamid ah xubnaha madasha Samatabixinta ee ku biirtay safka madaxweynaha.

Sidoo kale qaar kamid ah dalalka saaxiibka dhaw la ah madaxweyne Xassan Sheikh ayaa soo gudbiyey dalabkooda ah in kuraasta ay ku fadhiyaan laga qaado wasiiru dowle, Safiiro iyo xubno ay sheegeen in ay kashaqeynayaan ficilo kasoo horjeeda xariirada dalalkan ay la leeyihiin Soomaaliya.