Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Diiwaan galinta dadweynaha ee doorashada oo mar kale dib loo billaabayo

Diiwaan galinta dadweynaha ee doorashada oo mar kale dib loo billaabayo

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyay in dib loo billaabayo diiwaan galinta dadweynaha ee Doorashada qof iyo codka ah.

Cabdikariim Axmed, Guddoomiyaha Guddiga oo la hadlay Warbaahinta ayaa ku dhawaaqay in 9 bishaan September dib loo billaabayo Diiwaan galinta dadweynaha.

“9 bishaan ilaa 30 keeda ayaa fureynaa diiwaan galinta si Ururada cusub ee ka diiwaan galiyay u helaan taageerayaal u codeeya” ayuu yiri Guddoomiye Axmed.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa ku baaqay in Ururada kale ay is diiwaan galiyaan, isla markaasna ay albaadadu u furan yihiin.

Diiwaan galinta dadweynaha ee Doorashada ayaa ku ekeyd 15 ka bishii hore ee Agoosto, balse hadda ayaa dib loo billaabaya.