Xiisad Ka Taagan Gaalkacyo Iyadoo Ay Soo Dhawdahay Doorashada Duqa Degmada
Xiisad ayaa cirka isku shareertay magaalada Gaalkacyo iyadoo lagu wado in doorashada duqa cusub ee degmada ay dhacdo maalinta Sabtida, ka dib markii uu burburay kulan u dhexeeyay dowladda Puntland iyo ergo matalaysay xildhibaan Bashiir Cabdicasiir.
Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in kulankaasi lagu kala kacay iyadoo aan laga gaarin wax heshiis ah oo ku saabsan cabashooyin uu hore u soo jeediyay xildhibaan Bashiir, kaasoo sheegay in laga hor istaagay inuu u tartamo xilka duqa degmada.
Arrintan ayaa walaac ka dhalisay, iyadoo la isweydiinayo hufnaanta iyo cadaaladda doorashada la filayo.
Doorashada ayaa loo asteeyay in la qabto maalinta Sabtida, hase yeeshee xaaladda magaalada wali ma degan tahay, iyadoo maleeshiyaad beeleed wali gacanta ku hayaan xaruntii hore ee dawladda hoose.
Siyaasiyiinta iyo shacabka deegaanka ayaa ka digaya in haddii aan si degdeg ah loo xallin khilaafaadka taagan, ay taasi khatar gelin karto nabadgelyada iyo kalsoonida doorashada la sugayo.