Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Magaalada Idlib oo lagu disayo isku tashi ay sameeyeen Dadka Suuriya

DAMASCUS, SYRIA – JANUARY 11: (—-EDITORIAL USE ONLY – MANDATORY CREDIT – ‘FOREIGN DESK SYRIA/ HANDOUT’ – NO MARKETING NO ADVERTISING CAMPAIGNS – DISTRIBUTED AS A SERVICE TO CLIENTS—-) Leader of new Syrian administration, Ahmed al Sharaa speaks during a joint press conference with Lebanese Prime Mini

Madaxweynaha Suuriya Axmed Al-Sharca oo dib ugu laabtay dalkiisa kaddib markii uu ka qaybgalay shirka Qaramada Midoobay ayaa gaaray Magaalada Idlib oo ah magaalo ku burburtay dagaalladii adkaa ee dalkiisa ka dhacay.

Madaxweyne Axmed ayaa sheegay in dib u dhiska Magaaladaan ay mas’uuliyad ka saaran tahay ruux weliba oo Suuriyaan ah si meesha looga saaro xeendaabka lagu kala xadiyay dadka walaalaha ah ee qolo meel lagu beegsanayay.

Isaga oo ka hadlay mashaariicda dib u dhiska dalkiisa iyo is dhexgalka Bulshada waxa uu tilmaamay in aanay jirin xuduudo kala dhex yaalla Dadka, wixii hadda ka dambeeyana loosoo wada jeesanayo dib u dhiska & sidii taariikh cusub loo qori lahaa.

“Wadajirkeenna ayaa wax weliba ku qabsan karnaa, ma jirto Suuriya kala qaybsan ama xasilooni darro ka jirto, dhulkeenna dib waan u dhisan karnaa waxaana ii muuqda wadajir & isku tashi bulsho” Ayuu yiri Madaxweynaha Suuriya Axmed Al-Sharca oo la hadlay Dad isugu soo baxay Magaalada Idlib.

Madaxweynaha Suuriya waxa uu isbaddel cusub la yimid muddo kooban, waxa uu calanka Dalkiisa geeyay Qaramada Midoobay muddo ku dhow rubac qarni maadaama qoyska reer Asad ay ka meermeeri jireen safarrada dibadda ah.