Axmed Madoobe oo daabacay qoraal hadal heyn badan dhaliyay
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Jubbaland iyo masuuliyiin kale.
Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa qoraal ay ku daabacay barta ay Facebook ku leeyihiin ku shaacisay in Madaxweyne Xasan Kismaayo u tagay Wadatashi, waxaana bogga Villa Soomaaliya laga ilaaliyay magaca Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa dhankiisa qoraal uu soo saaray ku sheegay in maanta Kismaayo kusoo dhaweeyay walaalkiis Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uuna afkiisa ka dhooray in Madaxweynaha Soomaaliya xuso.
“Waxaan maanta Magaalada Kismaayo kusoo dhaweynay walaalkay Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo” ayuu ku yiri qoraal bartiisa Facebook lagu daabacay Madaxweynaha Jubbaland.
Madaxweyne Axmed Madoobe , ayaa sidoo kale sheegay in maamulkiisa mar walbo u furan yihay albaabada wada-hadalka iyo sidii looga dhabeyn lahaa himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.