Deg-deg:-Xasan Sheekh oo ka dagay Addis Ababa + Qorshihiisa
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxmauud ayaa saaka goor sii horreysay ka dagay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya, halkaas oo uu kula kulmi doono Abiy Axmed.
Safarkan oo aan horay loo sii shaacin ayaa lasoo warinayaa in Madaxweynuhu kaligiis u baxay, wuxuuna diyaarad gaar ka qaatay Muqdisho, isaga oo ka dagay Addis Ababa.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa ka wada-hadli doono arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka labada dal, daris wanaaggga iyo xaaladda gobolka.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in labada dhinac ay sidoo kale kulankooda diiradda ku saari doonaan xaalada Jubbaland, si xal loogu helo khilaafka taagan ee labada dhinac, kasoo kasii daray markii dhawaan lagu kala kacay wada-hadalladii u dhexeeyay labada dhinac.
Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegaya in Abiy uu Xasan ku qancinayo in wada-hadallada sii socdaan, si ay u miro dhalaan wada-hadallada bilowday ee aan illaa hadda aan laga gaarin wax natiijo ah.